Wasiir Juxa Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Finland

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Farax Juxa oo ku sugan Magaaladca Helsinki ee dalka Finland ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Mrs. Paula Risikko.

Kulnka ka dhacay Magaalada Helsinki ee dalka Finland ee u dhaxeeyay Labada Wasiir ayaa waxaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal doorka qurba-joogta Soomaaliyeed iyo geedi-socodka Barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay dowlada Finland taageero weyn ka geystao.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Helsinki ee Caasimadda dalka Finland safar ka shaqo ku joogay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Haweenka iyo la Taliyayaal Sare iyagoo halkaasi ay kaga qeybgaleen Shir looga hadlaayay Arrimaha Soomaaliya.

 

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia