Wasiir Jangali "Lama joojin duullimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Jangali “Lama joojin duullimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa”

Mareeg.com: Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac “Jangali” ayaa beeniyay in la hakinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa, arrintaas oo horay uga soo yeertay Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafow.

Wasiir Cali Axmed Jaamac Jangali oo shalay ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in go’aankaas uu yahay mid u gaar ah Taliyaha Laanta Socdaalka Jen. Gaafow.

“Ma Jiraan duulimaad la joojiyay, wuxuu yiri bisha 22-ka howlo noo socda, waxaa dhici karta in la joojiyo, howshaas waa mid isaga u gaar ah, diyaarado la joojiyay ma jiraan” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Jen, Gaafow ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa maalin ka hor waxaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 22-ka bishan Febaraayo 2016 la joojinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa.

Jen, Gaafow ayaa sheegay in Somaliland ay dadka u safra u jarto warqad dal ku gal ah (Go Home), isla markaana lacago fara badan looga qaado dadka, waxaana uu xusay in aanay sharci aheyn, isla markaana duulimaadka aanu aheyn mid caalami ah oo uu yahay mid gudaha ah.

Somaliland ayaa war ka soo baxay ku sheegtay in aanay joojineyn warqada dal ku galka ah ee (Go Home), isla markaana ay yihiin dal ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Muranka labada dhinac oo cirka isku dhareeray ayaa u muuqda mid dhaawac u geysan kara ganacsiga iyo isu socodka shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool koonfur iyo woqooyi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!