Wasiir Iibsaday Fiisooyin Ay ku bixi lahaayeen shaqaale ka tirsan dowlada. — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Iibsaday Fiisooyin Ay ku bixi lahaayeen shaqaale ka tirsan dowlada.

Muqdisho ( Mareeg News ) Waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira habka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u maamushay wafdiga la doonayo in ay uga qeyb galaan shirka Shaqada Aduunka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda ILO, kaasi oo 28-ka bishan May lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa qoraal uu ku dalbanayo Fiisooyin u diray Safaarada Switzerland ee Nairobi.

Balse waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira in Wasiirka uu doonayo in Shaqsiyaad gaar ah uu ku wado qaar ka mid ah Fiisooyinkaasi, kuwaasi oo ku sheegay in ay Dowladda Soomaaliya u matali doonaan Shirka ILO.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyay in uu kala fadilayo Wasiirada Maamul Goboleedyada Dalka, maadaama uu Shirkaasi ku casuumay Wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Puntland, Cabdirixmaan Sheekh Axmed iyo Agaasimaha Wasiirada Maamulkaasi balse kala noqday casuumaadii Wasiirada kale ee Maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedyada qaarkood ayaa wax laga xumaato ku tilmaamay go’aanka Wasiir Saalax Axmed Jaamac, waxaana ay shaaciyeen in marna aysan aqbali doonin kala fadilaada uu sameeyay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ilo ku dhow Xafiiska Wasiir Saalax ayaa u sheegay Mareeg Online in Wasiirka uu doonayo in shaqsiyaad gaar ah uu ku wado fiisooyinka, kuwaasi oo doonayo Yurub.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Mr. Maxamed Cadde ayaa ku dhaleeceeyay Wasiirka in uu ka soo tago Mas’uuliyiintii looga baahnaa in ay ka qeyb galaan Shirkaasi ka dhaci doona Magaalada Geneva.

Wasiirka ayaa dhawaan lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay soo bandhigida aqoonsiga Shaqsiyaadka ka qeyb galaya Shirka ILO.

Baaritaan ay sameysay Mareeg Online kadib ayaa waxaa soo baxday in Afar ruux oo ka mid ah Lixda qof ee Soomaaliya u mataleysa Shirka ILO ay ka soo jeedaan Beesha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaana sidoo kale 4-taas qof midkood lagu sheegay in uu yahay mid ka mid ah Wiilasha la dhashay mid ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!