Wasiir hurday oo lagu toogtay Woqooyiga Kuuriya! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir hurday oo lagu toogtay Woqooyiga Kuuriya!

Kooriyada Woqooyi waxaa markale ka dhacday toogasho la yaab leh oo lagu fuliyey mas’uul sare oo ka tirsan maamulka kalitaliska ah ee dalkaa ee uu hogaamiyo, wiilka da’da yar ee aabihiis dhaxlay ee Yum Jong-un.

Ninka la toogtay wuxuu ahaa wasiirka gaashaandhiga Kuuriyada Woqooyi, waxaana la oran jiray Jen. Hyon_yong-chol.

Wakaaladda wararka Koofurta Kuurriya oo deris la ah Woqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in Jen. Hyon_yong-chol la toogtay 30-lii bishii hore ee April, kadib markii lagu eedeeyey inuusan daacad dhab ah u aheyn madaxweyne Yum Jong-un.

Wakaaladda ayaa sheegtay in Hyon_yong-chol lasoo eedeeyey kadib markii uu ku hurday xaflad uu ka qeybgelayey hogaamiyaha dalkaas, Yum Jong-un.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu yareystay maqaamka hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya!.

Hyon_yong-chol ayaa markii hore laga qaaday xilka wasiirka gaashaandhiga, kadibna waa la toogtay iyadoo xilkaas loo dhiibay sanadkii 2012, kadib markii mas’uuliyiin badan qaarna la laayey qaarna xilalka laga qaaday.

Jen. Hyon_yong-chol ee la toogtay ayaa ahaa madaxa guddigii aaska hogaamiyihii hore ee Woqooyiga Kuuriya, Kim Jong-Il oo dhalay hogaamiyaha xilligaan, Yum Jong-un, kaasoo dhintay bishii December ee sanadkii 2011.

Hogaamiyaha da’da yar ee Woqooyiga Kuuriya, Yum Jong-un ayaa sanadkii 2014 dilay nin adeer u ahaa oo qabay eedadiis, lana oran jiray, Jang Sung-Thaak, islamarkaana ka tirsanaa mas’uuliyiinta sasare ee dalkaas.

Dilka ninkaas ayaa sida warbaahinta sheegtay loo adeegsaday eeyo baahaan oo shabqa logu riday, iyadoo dalka Woqooyiga Kuuriya uu ka jiro dhaqan xun oo ah in eeyaha loo adeegsado toogasho, iyagoo qofka oo nool cunaya.

Jariidada Wen Wei Po  oo Hong Kong kasoo baxda kuna hadasha Afka Dowladda China ayaa sheegtay in Eeyo 120 gaaraya oo 3 Maalmood aan wax cunin lagu riday shabaq bir ka sameysan oo uu ku jiray, Jang Sung-Thaak.

Ninka adeerka hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya ee eeyaha la siiyey ayaa lagu eedeeyey inuu doonayey inuu dowladda afgembiyo.

Jen. Hyon_yong-chol waxaa lagu toogtay gentaalaha lidka diyaaradaha, taasoo muujineysa cadaawadda loo qabay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!