Wasiir Hore Oo Si Lama Filaan Ah Uga Badbaaday Isku Day Dil * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Hore Oo Si Lama Filaan Ah Uga Badbaaday Isku Day Dil

Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cusmaan ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo loogu qorsheeyay magaalada Baydhabo.

Qorshaha dilka ayuu ku eedeeyay wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, ahna kusimaha madaxweynaha maamulkaasi Xuseen Xasan Eelaay

Halkaan Hoose Ka Akhriso Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay.

ISKU DAY DIL OO AAN KA BAD BAADAY!

Maalmihii la soo dhaafay waxaa hawlo shaqo ku joogay Magaalada Baydhabo, ujeedada aan halkaan u imid ayaa ku saabsaneyd sidii aan ugu adeegi lahaa shacbigayga K/Galbeed, saacadihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo iyo hareeraheeda ka da’ayay Roobab mahiigaan ah, damiir ahaan waxaan goostay sidii aan Gargaar ugu din lahaa dadka ay waxyeelada ka soo gaartey Roobabkaasi.

Kaalmadii aan ugu tala galay inaan gaarsiiyo shacbiga reer Baydhabo waxaa maanta iga hor istaagay Wasiirka Amniga oo haatan ah ku magaacaban ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed Xasan Eelaay, ninkaasi ayaa ciidamo daacad u ah waxa uu ku amaray inay i Khaarijiyaan, Dilkayga ayaa la qorsheeyay in lagu soo beego waqtiga aan qeybinayo kaalmada aan u sidodadka masaakiinta ah.

Xasan Eelaay ayaa  askartiisa farey inay dharkaCiidamada iska dhigaan marka ay duulaanka sameynayaan si loo yiraahdo Wasiir Saalax Sheikh Cusmaan waxaa Dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab,falkaan guracan ayaa ah mid ka soo horjeedo Dastuurka iyo Xuquuq Insaanka, Anigoo ka xun arintaasi ayaa ummadda Soomaliyeed waxaan u caddeynayaa inaan Sharciga iyo Maxkamadaha la tiigsan doono.

Dulmi aan geed loogu sooganban ayuu igula kacay Xasan Eelaay, waxaa nasiib daro ah inuu Aniga kaligey I soo bar tilmaameedsado, Siyaasiyiin badan oo aan la dhacsaneyn Maamulka K/Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, siyaasiyiintaasi ayaa looga baqayaa Qabiiladooda oo ku Hubaysan Magaalada Gudaheeda. Kaalmadii uu ninkaasi hor istaagay ayaa mar kale haddii uu Alle idmo waxaa Berri la gaarsiin doona shacbigii aan ugu talagalay, marnaba ma dhaceyso inay baqdin galiso falkaasi Waxashnimada ah, sharaf ayay ii tahay inaan u Geeriyoodo Anigoo u adeegayo dadkayga dhibaateysan, adduunka aan maanta ku nool nahay waa ka dhamaadey Kali Talisnimo, suurtagalna ma aha in shacabka K/Galbeed lagu dul hayo Nidaam aaney dooneynin, Isbadal waa inuu dhacaa si horumar loo gaarsiiyo ummadda ku nool deeganada K/Galbeed.

 

MAHADSANIDIIN

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!