Wasiir Hadliye oo la shiray xawaaladihii Kenya xirtay

Mareeg.com: Wasiirka arrimaha dibaddaSoomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka tirsan ganacsatada Soomaalida ee magaalada Nairobi, gaar ahaan milkiilayaasha xawaaladaha dhawaan ay xirtay Kenya.

Hadliye ayaa tilmaamay inuu socdo wadahadallo ku aaddan sidii dib loogu furi lahaa xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya, isagoo xusay in madaxda dalka Kenya uu kala hadlay sidii mar kale ay u shaqeyn lahaayeen xawaaladaha.

Dowladda Kenyan ayaa Arbacadii xirtay akoonnada bangiyada ee 86 xawaalad iyo shakhsiyaad ay sheegtay inay uga shakisay inay maalgelinayeen Alshabaab.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245