Wasiir Hadliye: Maamul goboleedyadu ha xoojiyaano gurmadka qaxootiga Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Hadliye: Maamul goboleedyadu ha xoojiyaano gurmadka qaxootiga Yemen

Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa ugu baaqay Maamullada Somaliland, Puntland, iyo Jubbaland in ay xoojiyaan ka qeyb-galka gurmadka loo fidinayo dadka dib ugu soo laabanaya dalka kana soo cararaya dagaallada ka socda Yemen.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay waqtigaan loo baahanyahay in maamul goboleedyada dalka kajira ay u istaagaan Gurmad u fidinta dadka Soomalida ah ee ku soo laabanaya qaybo badan oo ka mid ah dalka, kuwaas oo hadda u baahan in la caawiyo.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyay  in ka Dowlad Federaal ahaan ay soo dhaweynayaan dadkaasi Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay maamullada Soomaaliland, Puntland iyo jubbaland  in si wadaniyadnimo ah dadka ay  usoo dhaweeyaan, Gurmadna u fidiyaan maadaama ay yihiin dad dhibanayaal ah, oo duruufo heystaan.

Dadka Soomaaliyeed ee dib uga soo qaxaya Yemen ayaa inta badan kasoo dega dekedaha Boosaaso iyo Berbera, halkaasoo ay kala maamulaan Puntland iyo Somaliland.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!