Wasiir Guuleed: Tanaasul Kasta Ee Aan Dhaawaceyn Midnimada Soomaaliya Waan Sameyneynaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Guuleed: Tanaasul Kasta Ee Aan Dhaawaceyn Midnimada Soomaaliya Waan Sameyneynaa

Istanbul – Mareeg.com: Wasiirka Amniga Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo hogaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeybgelaya wada hadalka labada dhinac ayaa sheegay iney Somaliland u sameynayaan tanaasul kasta oo aan dhaawaceyn midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

“Ceeb naguma ah tanaasul kasta oo aan dhaawaceyn midnimada iyo qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Guuleed oo la hadlay BBC.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Somaliland aysan marna ka leexan doonin qorshaha u yaalla ee ah iney ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Somaliland kama tanaasuli doonto gooni isu taaaga Somaliland, arrintaasi waa mid ay goosteen shacabka Somaliland” ayuu yiri wasiir Biixi oo isna la hadlay BBC.

Labada wafdi ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka wada hadlaya labo qodob oo aan laheyn macno muuqda sida: in la qiimeeyo wixii horay looga wada hadlay iyo qorshe loo dejiyo wada xaajoodka soo socda.

Labada dhinac ayaa u muuqda kuwa kala jeeda oo aan gaari Karin natiijo wax ku ool ah, waxaana lagu wada in wada hadalka beeri lasoo afmeero.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!