Wasiir Guuleed: Dilkii Ibraahim Anta Anta Wuxuu Qeyb Weyn Ka Qaadanaya Xasiloonida Soomaaliya

Read Time:1 Minute, 30 Second

Muqdisho: Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in weerarkii shalay galab diyaarado dagaal ku qaadeen meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe lagu dilay labo sarkaal Shabaab ah, kuwaasoo uu sheegay inu maleegi jireen qaraxyada Alshabaab fuliyaan.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay Jilib lagu dilay labo nin oo lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Cali Cabdi oo loo yaqaanay “Anta Anta” mararka qaarna la dhihi jiray Abu Cali.

Wasiir C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ee dalka ay in mudo ah dabajoogeen sarkaalkan, wuxuuna sheegay in shalay lagu dilay howgal laga fuliyay agagaarka tuulada Dhaay-tubaako ee ka tirsan degmada Jilibg ee gobolka Jubada Dhexe.

“Howlgalkan waxaa lagu khaarijiyay Ibraahim Cali oo loo yaqaanay Anta Anta iyo Abuu Cali, waxaana howlgalkaasi ka dambeeyay markii hey’adaha ammaanka ay wax badan ku raad-joogeen, howlkan qaabka loo fuliyay waxay na tuseysa in nimanka dhagar wadayaasha aysan marnaba cadaalada ka baxsan doonin” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Guuleed oo la hadlay Radio Muqdisho.

Wuxuu sheegay wasiirku in sarkaalka la dilay ee Ibraahim Anta Anta uu ahaa nin qatar ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in howlgalka lagu dilay uu ahaa howlgal aad muhiim ugu ah dowlada Soomaaliya.

Wasiir Guuleed ayaa sheegay in dilka Ibraahim oo qeyb weyn ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shalay galab ayaa diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn waxey gentaal la dhacday gaari Alshaab lahaayeen oo marayey meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, waxaana halkaas lagu dilay labo ka tirsan Alshabaab oo mid ka mid ah sida la sheegay ahaa sarkaal sare.

Weerarka ayaa loo badinayaa iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %