Wasiir Goodax: Waa sax inaan RW Cabdiweli kula talinay is casilaad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Goodax: Waa sax inaan RW Cabdiweli kula talinay is casilaad

Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa xaqiijiyey in wasiiro badan oo ka tirsan xukuumadda  ay warqad u qoreen R/wasaare Cabdiweli, taasoo ay kula talinayaan inuu xilka isaga dego.

Wasiir Goodax oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in xalay fiidkii ay u gudbiyeen warqad ay R/wasaraaha kaga dalbanayaan inuu is casilo.

Sababtay ay warqadaan u qoreen ayaa wasiir Goodax ku tilmaamay, iyagoo u arka in R/wasaaruhu yahay kan fududeyn kara ismariwaaga u dhaxeeya madaxda dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya oo is mariweysan.

“Waa jirtaa in aan warqad nasteexo ah gaarsiinay Ra’iisul Wasaaraha anagoo dhowr iyo toban wasiir ah, warqad aan is leenahay bal kula taliya, in uu is casilo, 16 wasiir baan nahay, inkastoo labo wasiir shaqo noogu maqan yihiin inta kale ayaa saxiixday”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Mr Goodax ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in Ra’iisul Wasaaruhu uu eego danta guud iyo danta dalka, maadaama khilaafka uu saameeyay Hey’adaha dowladda, lagana doonayo Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato go’aan geesinimo leh.

“Waxaa fiican in danta guud iyo danta wadanka uu eego, way cadahay in madaxweynaha uu lumiyay kalsoonida uu ku qabay ra’iisul wasaaraha, Xildhibaanada ay soo jeediyeen inay kalsooni kala noqdaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre.

Wasiirada warqada saxiixay ayaa magacyadooda kala ahaa sidan:-

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/llaahi Goodax Bare
2-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
3-Wasiirka Maalliyadda, Xuseen Cabdi Xalane
4-Wasiirka Gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
5-Wasiirka Macdanta, Daa’uud Maxamed Cumar
6-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada, Khaalid Cumar Cali
7-Wasiirka Arrimaha Dibadda Caalamiga, C/raxmaan Ducaale Beyle
8-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
9-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Luqmaan Sheekh Ismaaciil
10-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow
11-Wasiirka Qorsheynta, Saciid C/laahi Maxamed
12-Wasiirka Beeraha, Cabdi Axmed Baafe
13- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Maxamed Coloow Baroow
14-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labo jeer ku guuldareystay inuu dood ka yeesho mooshin ka dhan ahaa R/wasaare C/weli Sheekh, waxaana muuqata in markaan R/wasaaraha looga yimid jiho kale oo saaxiibadii uu soo magacaabay.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More