Wasiir Goodax: Banaadir iyo Hiiraan waa la isu furayaa

Read Time:57 Second

Mareeg.com: Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu socdo diyaar garow la isugu furayo gobolka Banaadir iyo Hiiraan.

Sida la ogyahay Alshabaab ayaa maamula qeybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana dowladda iyo hay’adaha samafalka aka xiyaran wadada Isku xirta degmada Mahadaay ee Shabeellaha Dhexe ilaa degmada Buulo Barde ee Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa kala xiray degmooyinka Baledweyne iyo Buulo Barde oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan, waxaana taasi keentay iney macluun xoog leh soo wajahdo dadka ku dhaqan Buulo Barde.

Wasiir Goodax ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu shalay deeq mucaawino ah ka gudoomay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Al-Cismaan.

“Waxaa dhawaan ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM isu furi doonaan jidka isku xira Banaadir iyo Hiiraan, si wadadaas loo mari karo, islamarkaana kaalmada dadka loo gaarsiin karo” ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa horay dhowr jeer arrintaan uga dhawaajiyey, hase ahaatee waxba kama suuraglein, waxaana dadka ku nool Baledweyne iyo Buulo Barde ee aan Shabaab dhex mari Karin adeegsadaan diyaarado marka ay rabaan Muqdisho.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.