Wasiir Goodax: Alshabaab Waxey Qorsheynayaan Iney Colaad Ka Ridaan Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Goodax: Alshabaab Waxey Qorsheynayaan Iney Colaad Ka Ridaan Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaki qabta in Alshabaab colaad ka ridaan magaalada Muqdisho, kadib marka laga soo riixo gobollada dalka oo uu ku wajahan yahay guluf colaadeed oo ka dhan ah ururkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay ine u badinayaan in Muqdisho uu kusoo wajahan yahay dagaal, wuxuuna shacabka ugu baaqay iney dowladda ka gacan siiyaan sidii looga gaashaaman lahaa colaadaas.

“Shaki kuma jiro in colaadi kusoo wajahan tahay magaaladan, waxaana shacabka iyo dowladda oo isku-duuban looga baahan yahay inay ka hor-tagaan, waayo Al-shabaab markii ay ku jabtay gobollada ayay kasoo buuxsameen Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Goodax.

Wasiirka Arriimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa ka digay in Alshabaab doonayaan iney shacabka qaab qabiil ugu soo dhex dhuuntaan, islamarkaana magaalada caasimadda ah ka ridaan colaad lagu kala qaxo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka dalbanayaa inaan qabiil-qabiil loo qaybin iyo inaan been loo sheegin, ayna u diyaar-garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen kuwa doonaya inay Muqdisho ka qixiyaan mar kale,” ayuu mar kale yiri wasiir C/llaahi Goodax.

Wasiir Goodax wuxuu ku celceliyey reer Muqdisho iney soo sheegaan macluumaadka ku saabsan Alshabaab, wuxuuna yiri “Shacabka waa inay soo sheegaan kuwa dhibaatada wada, mar labaad yaan la idin ka barakicin magaaladiina Muqdisho, waa codsiga xukuumaddu soo jeedisay”.

Dhawaan ayaa Muqdisho laga dareemay kor u kac ay sameynayaan falalka Alshabaab, iyagoo Muqdisho ka geystay weerarro bubeysan oo maalin cad ah, taasoo keentay in laamaha amaanku heegan iyo howlgal joogto ah galaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!