Wasiir Fowziyo Oo Golaha Amaanka Kala Qeybgeleysa Shir Looga Hadlayo Taageerida Milateriga Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Fowziyo Oo Golaha Amaanka Kala Qeybgeleysa Shir Looga Hadlayo Taageerida Milateriga Soomaaliya

Muqdisho: Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa u ambabaxday Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York, dalka Mareykanka.

Wasiir Fowziyo ayaa xarrunta UN-ka uga qeybgeli doonta dhamaadka bishan October shir u furmi doona Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo looga arinsan doono kordhinta ciidanka AMISOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uga hadli doonaan sidii taageero maaliyadeed iyo mid milatari loo siin lahaaa ciidamada Soomaaliya, taasoo la mid ah kaalmada loogu yabooho ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya ee AMISOM.

Wasiirka arrimaha dibadda Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo khudbad ka jeedin doonta Fadhiga golaha ammaanka, waxeyna ka codsan doontaa sida lagu sheegay war kazoo baxay dowladda Soomaaliya inay ka taageeraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya dhinacyada qalabeynta, maalgelinta iyo tayeynta, si looga dhameystiro baahiyaha iyo tasiilaadka dhinaca dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ciidamadeedu helaan niyad-sami iyo awood milatari oo ballaaran oo ay ku howlgalaan, kuna xalin karaan dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho yimid xubnaha golaha amaanka ee Midowga Afrika, waxeyna madaxweyne Xasan Sheekh u sheegeen iney golaha amaanka ee Qaramada Midoobay si rasmi ah ugu gudbinayaan qaraar ciidamada Soomaaliya si weyn dib loogu qalabeynayo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!