Wasiir Fowzia “Caalamku waa diyaar ee aan u diyaar garowno”

Read Time:1 Minute, 8 Second

Brussels, 27 November 2013 -Mareeg.com- Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka
Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam oo labadan
casho ka qeybgaleysay shirka Horumarinta Caalamiga oo ay soo qabanqaabiyeen
Midowga Yurub ayaa la soo gabogabeeyey.

Wasiir Fowzia ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay wasiirada dalalka Yurub
oo ay ka mid yihiin Wasiirka Horumarinta Caalamiga iyo Ganacsiga ee Ireland
Joe Costello, Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Finland, Mr Pekka Haavisto,
Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, Mr Jan Eliasson, Agaasimaha Guud ee
Afrika ee Midowga Yurub Nick Westcott iyo mas’uuliyiin kale oo ay dhammaan
kala hadashay sida Soomaaliya ay diyaar u tahay oo dowladdu ay diyaarisay
qorsheyaashii iyo barnaamijyadii waddanka looga fulin lahaa mashaariic
shaqo u abuuraya dhalinyarada iyo dumarka Soomaaliyeed. Sidoo kale
wasiirada waxey codsatay in ballanqaadyadii ay caalamka sameeyeen la soo
dedejiyo si waddanka loogu soo dabaalo nabad iyo horumar.

Wasiir Fowzia ayaa tiri “Caalamku waa diyaar ee aan u diyaar garowno.
Waxaan mahad gaar ah u celinayaa Midowga Yurub oo door hoggaamineed ka
qaatay arrimaha Soomaaliya, hase ahaatee ay muhiim tahay in caalamku soo
dedejiyo kaalmadooda ku wajahan dib u dhiska dalka iyo mashaariicda
horumarineed oo shaqo loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed.”
-DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President
The Federal Republic of Somalia
+252615479911 or +252699998854
yarisow@presidency.gov.so or engabdirahman@gmail.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %