Wasiir Fowsiyo Yuusuf Oo Ka Careysiisay Madaxa Midowga Yurub Ee Arrimaha Horumarrinta (Warbixin)

Read Time:2 Minute, 59 Second

Brussels, Mareeg.com: Dood dublamaasiyadeed ayaa dhex martay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Haaji Aadam iyo madaxa guddiga Midowga Yurub ee arrimaha horumarinta, Andris Piebalgs.

Doodaan ayaa timid kadib markii Wasiir Fowsiyo shirkii arrimaha horumarinta caalamka ee ka dhacay dalka Biljimka ka sheegtay in Soomaaliya aysan ka helin Midwoga Yurub wax la sheegi karo, balse ay weli arrintu taagan tahay ballan qaad oo kaliya.

“Waxba kama helin dalalka Midowga Yurub, oo aan ka aheyn ballaanqaadyo” ayay tiri wasiir Fowsiyo oo ay soo xigtay International Business Times oo laga leeyahay dalka Britain.

“Shirkii Bishii September lagu qabtay Brussels waxaa Soomaaliya loogu ballan qaaday lacag dhan €1.8 Bilyan oo lacagta Midowga Yurub ah, hase ahaatee ilaa hadda waxba ma helin” ayay sidoo kale tiri wasiir Fowsiyo.

“Waxaan weydiineynaa Midowga Yurub iney ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii hore, waxaanana sugeynaa in horay loo sii wado arrintaas si aan u horumarino aarimaha amaanka iyo dib u dhiska dalkeena” ayay wasiir Fowsiyo hadalkeeda kusii dartay.

“Intii lagu guda jiray xilligii KMG ahaa, waxaa sanadkii 2010 Soomaaliya loo ballan qaaday lacag dhan €200 Milyan oo lacagta Midowga Yurub ah, iyadana waxba nagama soo gaarin, waxaan marka saaxiibada ka rabnaa iney iney fuliyaan ballanqaadkii ay sameeyeen, markaas waxaan awoodnaa inaan dalkeena dib u dhisno” ayaa sidoo ka mid ahaa hadalkii wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf.

Madaxa Guddiga Midowga Yurub ee arrimaha horumarinta, Andris Piebalgs oo wareysi gaar ah siiyey International Business Times ayaa ka jawaabay hadalka wasiir Fowsiyo, wuxuuna xusay inuu hadalkaas aad uga xanaaqay, wuxuuna ku tilmaamay mid been ah.

“Aad baan uga xumaaday hadlkaas, gebi ahaana waa waxba kama jiraan” ayuu yiri Andris Piebalgs oo la hadlayey International Business Times.

Andris Piebalgs ayaa sheegay iney Soomaaliya ka hayaan arrimo fabadan oo la xiriira maalgashiga iyo horumarinta, kuwaaso sababaya in dadku taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan mashaariic socota ka wadnaa qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana ku bixinay ku dhawaad €50 Milyan oo lacagta Yurub ah, qeybta ugu badan waxey aadeysaa deegaanada Somaliland iyo Puntland, waxaana wax looga qabanayaa arrimaha waxbarashada, daryeelka caafimaadka, horumarinta deegaanada miyiga ah iyo biyaha” ayuu yiri Madaxa Midowga Yurub ee arrimaha horumarinta, Andris Piebalgs.

Wuxuu sheegay Andris Piebalgs ineysan lacag isaga dhiibi Karin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo aarintaas sabab uga dhigay inuusan jirin nidaam maaliyeed oo lagu xisaabtami karo oo ay leedahay dowladdu.

“Wey saxantahay, ma heyno meel aan dowladda Federaalka u marsiino lacag, maxaa yeelay waxaa loo baahan yahay in helo nidaam maaliyadeed oo dowli ah, islamarkaana ah mid lala xisaabtami karo, xaalkuna maanta sidaas maaha” ayuu sidoo kale yiri Andris Piebalgs.

“Waxaan ballan qaaday in inta aan kari karo aan si dhow aan ula shaqeynayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaan taageero weyn u keenaa dowladda, inkastoo ay sidaa tahay hadana weli lama hayo meel wax lacag ah loo marin karo dowladda” ayuu hadlkiisa ku adkeeyey Andris Piebalgs.

Midowga Yurub ayaa sheegay intii u dhaxeysay sanadihii 2008 ilaaa 2013 ay Soomaaliya u qoondeeyeen lacag gargaar oo gaareysa €521 Milya oo ah lacatga Midowga Yurub.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa sheegay iney ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku taageereen lacag dhan €594 Milyan si ay dalka Soomaaliya ugu soo celiyaan nabad iyo degnaansho.

Arrintaan ayaa kusoo beegantahay kadib markii labo gudoomiye oo madax ka noqday Baanka Dhexe ee Soomaaliya is casileen waqtiyo isu dhaow kadib markii la sheegay inuu jiro musuq weyn oo dhanka maaliyadda ah.

Warar aan weli dowladda Soomaaliya shaacin, balse warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay gudoomiye cusub u magacaawday Baanka Dhexe, kaasoo lagu magacaabo Bashiir Ciise Cali.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %