Wasiir Fowsiyo Oo Ka Warbixisay Xaaladda Soomaalida Ku Sugan Koonfurta Sudan

Read Time:1 Minute, 23 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid aheyd wasirrada arrimo dibadeed dowlaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Koonfurta Sudan ayaaa dib ugu soo laabatay Muqdisho.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirka arrimaha dibada Somalia oo qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha kula hadashay warbaahinta ayaa warbixin ka bixisay xalaadda Soomaalida ku nool Koonfurta Sudan.

Fowsiya oo ka mid ah guddi uu urur goboleedka u xil saaray dhexdhexaadinta dhinacada ku dagaallamaya Koonfur Sudan ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in Soomaali badan oo dalkaas ku noolaa uu saameyn ku yeeshay dagaalka socda.

Waxey sheegtay wasiir Fowsiyo iney dalalka xadka la leh Koonfurta Sudan kala hadashay sidii Soomaalida loogu ogolaan lahaa in gaadiidka ay leeyihiin u gudbaan dalalkooda hadii xaalku ku xumaada, maadaama Soomaaliya aysan xad la laheyn South Sudan.

10,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran dalka Koonfur Sudan oo uu ka socdo dagaal sokeeye oo kharaar, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidaas u sheegaty weriyaasah markii ay manta kusoo laabatay Muqdisho.

Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaalida, iyadoo intaas raacisay inay kala hadashay madaxda dalalka ay soohdimaha wadaagaan Koonfur Sudan inay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku xanniban dalkaas.

Dhowr qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaallo ka dhacay magaalooyinka Juba iyo Bor. Soomaalida ku nool dalka Koonfur Sudan ayaa u badan dad ganacsato ah.

Dagaalka ka socda Koonfur Sudan ayaa u dhaxeeya madaxweynaha dalkaas Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenkii hore oo mucaarad noqday. In ka badan 500 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %