Wasiir Fowsiyo: Golaha Ammaanku Wuxuu Ogolaaday In Ciidanka Soomaaliya Loo Fidiyo Taageero Lojistiko

Muqdisho – (Mareeg.com): Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo shalay dib ugu soo laabatay caasimadda Muqdisho kadib markii ay kaga qeybgashay Magaalada New York 30-kii bishii hore ee October kulanka golaha ammaanka oo looga dooday caawinta iyo taageeridda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo ku Kordhinta in ka badan 4000 askari tirada ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM) si loo gaarsiiyo guud ahaan 22,000 askari, ayaa waxa ay ka war bixisay waxyaabihii lagu go’aamiyay shirkaasi.

Fawziya Yuusuf , waxa ay sheegtay in Xubnaha 15 –ka dal ee golaha ammaanka ay dhageysteen warbixin uu akhriyay Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson oo qiray guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka dhulka ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo kula hadleysay weriyeyaasha garoonka Muqdisho ayaa waxa ay tiri “Dadaal dheer, wadatashi iyo kulamo is xig xiga oo aan la kala yeeshay Xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan ee diidmada, ayaa waxaa la isla gartay in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horey tababaro uga kala helayay qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Yurub loo fidiyo taageero lojistiko ah iyo waxyaabo kale oo muhiim ah oo wax ka tari doona qeyb ahaan sare u qaadida awooda ciidanka Soomaaliyeed”.

Golaha ammaanka ayaa waxaa la filayaa in kulan kale oo arrinkan la xiriira uu mar kale yeesho inta lagu guda jiro bishan November.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo fulineysa ajandayaasha qaran ee barnaamijka siyaasadda arrimaha dibadda ayaa xoojisay dhaq dhaqaaqyadeeda diblomaasiyadeed ee ay taageerada ugu raadineyso ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya si uu dib uga kabsado muddo 22 sano ah oo dalka colaado sokeeye ay u sababeen burbur iyo dib u dhac xoogan.

DHAMAAD