Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawzia Yusuf H. Adam ayaan kaga qeybgaleysa maanta Caasimadda Juba ee South Sudan Shirka degdega ah ee Wasiiradda Arrimaha dibadda ee ku mideysan Urur goboleedka “IGAD”, kaasoo lagu qiimeynayo, xalna loogu raadinayo xasaradaha iyo rabshadaha dagaal ee ka soo cusboonaaday wadankaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay ka qeyb tahay Wasiiro Arrimo badeed-ka wadamada ku mideysan Urur goboleedka “IGAD” ee kulanka deg deg ah uga furmaya Magaalada Juba.
Kulanka waxaa ka qeybgalayo Madaxa amniga iyo nabadgelyada Ururka Midowga Afrika iyo diblomaasiyiin kale, waxaana Wasiiradu ay muujinayaan dadaalo nabadeed oo ay ku joojinayaan dagaalka, xilli laga digayo in colaada ka taagan Juba iyo deegaanada kale ay isku badasho mid sokeeye oo u dhaxeysa qabaa’ilka, qalqalna gelisa deganaanshaha dowladnimo ee wadankaasi curdanka ah.
Wasiiradda Arrimaha dibadda wadamada “IGAD” ayaa waxa kulan albaabada u xiran la yeesheen Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir Mayardit, iyagoo kala hadlay qaabka ugu haboon ee loogu soo dabaali lahaa wadankaasi nabadda, deganaanshaha iyo wadajirka dadka u dhashay South Sudan.
Wasiir Fowsiya iyo wafdigeeda ayaa dhanka la filayaa iney la socdaan xaaladda ganacsatada Soomaalida ah eek u nool Koonfurta Sudan, iyadoo ay jirto cabsi xoog leh oo laga qabo in la waxyeelleeyo.
Dowladaha Somalia, Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Uganda ayaa waxa ay ka bilaabeen olole diblomaasiyadeed Magaalada Juba, iyagoo isku dayaya heshiisiinta iyo nabadeynta dhinacyada dowladda iyo mucaaradka oo todobaadkan dagaalo dhiig ku daatay uu ku dhexmaray dalkaasi.
Koonfurta Sudan waxaa ku ganacsada Soomaali badan, waxaana dagaalka ka bilowday naxadii ku geeriyooday ilaa 500 ruux, waxaana dadka la dilay ku jira Soomaali, Hindi, iyo Kenyan.
Maree.com