Wasiir Fowsiya oo sheegtay in uu ka baxsaday Nin ajanbi ah oo Gabar Dharbaaxay

Read Time:39 Second

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee  Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dalka uu dhawaan ka baxsaday Nin Ajnabi ah oo dharbaaxay Gabar Soomaaliyeed.

Ninkaas ayaa waxaa ay Wasiiradu sheegtay in uu kamid ahaa Dhaqaatiirta isbitaalka Masaarida una dhashay dagalkaasi Masar,hayeeshee maalin cad uu ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Iyada oo hadal ka jeedineysay Kulankii Golaha Shacabka ayay sheegtay in Ninkaasi markii Shaqaalaha isbitaalka loo diidey lacag ay lahaayeen la siiyo sidaasina uu ku dharbaaxey.

Sidoo kale Ninkaas ayaa wasiiradu sheegtay in la xirey markii uu dharbaaxey Gabadha Soomaaliyeed,hayeeshee damiin lagu siideeyey,sidaasina uu dalka uga baxsaday.

Ugu dambeyn Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka codsatay inay ansixiyaan Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka oo ay ku jiraan qodobo xakameynaya sida dhaqaatiirta Caafimaadka Ajaanibta ah dalka uga howlgeli karaan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %