Wasiir Fiqi: Meelo Gaar Ah Ayaan Kala Dajinay Maleeshiyadii Ku Dagaallamay Shabeellaha Hoose

Kismaayo, Mareeg.com: Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka difaaca ee Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isugu jira Xildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ayaa maanta degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Wafdigaan ayaa gobolkaas u tegay sidii loo qabooji lahaa colaad beeleed khasaae badan geystay oo kusoo laalaabatay goblokaas, waxaana qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Janaale ka mid ahaayeen goobaha dagaaladu ka dhaceen.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen saraakiisha ciidamada iyo Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uu ujeedkiisu ahaa sidii ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda amniga iyo tan bulshada ee halkasi ka jirta, waxaana uu intaa ku daray in kulankooda uu guul ku soo dhawaamay.

“Ciidamada halkaan jooga waxa ay yihiin kuwa u taagan gudashada waajibaadkooda, anagana si aad ah ayaan u qiimeynay hab dhaqankooda, runtii waxaan isleeyahay waa ciidan u taagan in ay dalka ka xureeyaan maleeshiyaadka Al shabaab eek u dhuumaaleysanaya qaybo yar oo gobolka ka tirsan” ayuu Wasiir Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay inay meel wanaagsan u marayso waan waantii ay u tegeen gobolka, isagoo xusay in maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay gobolkaasi lakala qaaday.

“Labadii maleeshiyo beeleedyo waan kala qaadnay, si KMG ah ayaan meelo u kala dejinay, waxaa noo qorsheysan in aan tababar u fidino maleeshiyaadka, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wafdiga uu hogaaminayo C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka difaaca ee dalka ayaa la filayaa inay sii wadaan howlaha nabadeynta iyo kormeer ay ku sameynayaan deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladaha amni iyo tan bulsho ee halkaasi ka jirta.

Mareeg.com