Wasiir Fiqi: Deegaano Ka Baxsan Baledweyne Ayaan Ka Saarnay Alshabaab

Read Time:1 Minute, 16 Second

Baledweyne, Mareeg.com: Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay Alshabaab kala wareegeen deegaano ku hareereysan magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.

C/xakiin Fiqi oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu la wareegeen ilaa 4 deegaan oo horay Alshabaab ugu sugnaayeen.

“Goobaha lala wareegay waxaa ka mid ah deegaanka Luuq Jeelow, Shabelley, Ceel Baar iyo Buq Goosaar, waxay ka mid yihiin meelaha muhiimka ee cadawga lagala wareegay” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in howlgalkaani kusoo beegmay xilli ciidamadu si toos ah u helaan mushaarka iyo hubkja iyo rasaasta ay u baahan yihiin, wuxuuna dhanka kale xusay in Al-Shabaab ay ku jiraan waqtigoodi u dambeeyay oo dhxedoodana dagaalka ka socdo sida uu yiri.

Taliyaha ciidamada AMISOM qeybta gobolka Hiiraan Col. Cusmaan Dubad oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ka go’antahay iney Alshabaab ka saaraan deegaanada ay mas’uuliyadooda qaadeen.

Dhanka kale, Afhayeenka howlgallada Alshabaab Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo la halday warbaahinta ayaa xaqiijiyay iney dib ula wareegeen deegaanadi labo maalmood ka hor ay gaareen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in dagaaal kula wareegeen deegaanada Luuq Jeelow iyo Baardheer ee duleedka magaalada Baledweyne.

Ma jiran warar madaxbanaan oo xaqiijinaya ama diidaya sheegashada labada dhinac, waxaase jira warar sheegaya in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ay Baledweyne dib ugu laabteen kadib kadib howlgal kooban oo kja sameeyeen meelo ka baxsan magaalada.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %