Wasiir Fiqi: 28,000 Askari Ayaan Gaarsiineynaa Milteriga Soomaaliya

Muqdisho – (Mareeg.com): Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya qorsheyneyso in 3-da sano ee soo socota miltaeriga dalka la gaarsiiyo ilaa 28,000 askari.

Wasiir Fiqi oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadaas loo dhameystiri doono qalabka iyo tashiilaadka kale ee ay u baahan yihiin, si ay u sugaan ammaanka dalka oo dhan.

“3-da sano ee soo socota waxaan qorsheynaynaa in aan dhisno ciidan Soomaaliyeed oo awood leh, kaasoo tiradiisu noqon doonto 28,000 oo askari si ay u hantaan ammaanka dalka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya C/xakiim Xaaji Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in ciidamada la qorayo ay ka imaan doonaan gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa qiray in ciidamada Soomaaliya ee hadda jira aysan ku filneyn iney hantaan ammaanka dalka oo dhan, taasna ay tahay sababta keentay in tiro iyo tayo ahaan sare loo qaado ciidammada xooggaa dalka.

Fiqi ayaa xusay in howsha kordhinta ciidamada dhawaan la bilaabayao, hase ahaatee dhibaato ka heysato in qaar ka mid degmooyinka Soomaaliya aan laga qorin ciidamada maadaama Alshabaab weli gacanta ku hayaan.

“Howshani dhawaan ayay bilaabaneysaa, hase ahaatee waxaa jirta in qaar ka mid ah deegaannada dalka aanay ciidammo ka imaan karin, taasna waxaa sabab u ah Al-shabaab oo deegaannada dalka qaarkood weli ka talisa,” ayuu sidoo kale yiri wasiir Fiqi.

Dowladda Soomaaliya ayaan lahyen milateri si madax banana Alshabaab ula dagaallami kara, waxeyn ku tiirsan yihiin ilaa 17,000 askari oo ka socda qaar ka mid ah dalalka Midowga Afrika oo ciidamadoodu Soomaaliya ku joogaan dalladda AMISOM, halka Itoobiya u joogto si dalladdaas ka madax banana.

Mareeg.com