Wasiir Diini: “Horumar waxaan gaari karnaa markaan dib u dhisno Ciidanka Qaranka” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Diini: “Horumar waxaan gaari karnaa markaan dib u dhisno Ciidanka Qaranka”

Muqdisho, July 31….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa warbixin ku aaddan xaaladda ammaanka dalka, dagaalka lagula jiro nabad-diidka,

dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada qalabka sida, waxa uu siiyey shirkii Madasha Sare ee Iskaashiga ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada horumarka ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay guulo ka gaareen hawlgalka dalka lagaga sifaynayo kooxda Shabaab, isagoo xusay in dhammaan hawlgaladii dhowaan la qaaday lagu guuleystay, isla markaana xilliga dhow ee soo socda la bilaabi doono hawlgallo kale oo laga samaynayo qaybaha dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!