Wasiir cusub oo loo magacaabay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya
Mareeg.com: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed) u magacaabay in uu noqdo Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xilkaan waxaa horay u hayey Gen. Axmed Maxamed Max’ud, lamana sheegin sababta keentay in mas’uulkaan cusub lagu badelo booskaas.
Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Cali Xareed ayaa ka tirsanaa dowladihii KMG ahaa isagoo soo noqday Wasiiru Dowlihii Gaashaandhiga, Wasiirka dalxiiska iyo duur joogta, iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Mareeg Media
Comments are closed.