Wasiir Cawad oo la kulmay Shiikh Sabah Al Ahmad Al Sabah

Muqdisho ( mareeg news ) Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo booqashada ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Amiirka dalka Kuwait Shiikh Sabah Al Ahmad Al Sabah iyo Masuuliyiin kale.

Wasiir Axmed Cawad ayaa Amiirka dalka Kuwait gudoonsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa uuna Wasiirka uga warbixiyay Amiirka xaalada Soomaaliya iyo Horumarada dowlada gaartay.

Amiirka dalka Kuwait iyo Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa sidoo kale kawada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxa uuna Amiirku balan qaaday in ay taageerayaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Arimaga Dibada ayaa la kulmay Wasiirka Waxbarashada Kuwait iyo guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, Waxa uuna kala hadlay horumrinta Waxbarashada iyo mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso Somalia.

Dowlada Kuwait ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxa ayna Kuwait kamid tahay dalalka dhax dhaxaadka ka noqday xiisada Khaliijka oo Soomaaliya saameyn badan ku yeelatay.

About Ahmed weheliye Gaashaan 535 Articles
freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com