Wasiir Cawad oo booqasho ku gaaray Magaalada RABAT
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xalay oo Sabti ahayd gaaray Magaalada Rabat, isagoo hoggaaminaya wafdi sare oo diblomaasiyadeed, oo booqasho rasmi ah oo laba cisho qaadanaysa ku joogi doona dalka Marooko.
Sida la qorsheeyay, Mudane Axmed Cawad waxa uu kulan laba geesood ah la yeelan doonaa dhiggiisa Marooko Mudane Nasser Bourita si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo qaabkii loogu saldhigi lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi wadaag dhinac kasta leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah.
Comments are closed.