
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa baaq nabadeed kasoo saaray xaaladda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso isagoo ku baaqay in xabadda la joojiyo.
Wasiir Cabdisaciid ayaa maamulka Puntland iyo madaxda PSF ugu baaqay in xiisada lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul islamarkana laga waantoobo wax walba oo xaaladda sii hurin kara.
Wasiir Cabdisaciid ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in xalka Boosaaso kaliya uu yahay wada hadal iyo isqanicin.
Qoraal uu bartiisa Tiwitter-ka ku soo qoray wasiirka ayuu ku yiri “Hadii uu dagaalku xal noqon karo dunidu xabaal bey noqon laheyd. Xiisadda Boosaaso xalkeedu waa wadahadal, is qacin iyo isu-tanaasul, waxaana ku baaqeynaa in dhabahaas la qaado”
Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xili ay buburtay wadahadal iyo waan waan laga dhex waday Labada dhinac iyadoo xalay madaafiic la isweydaarsaday taa oo sababtay in khasaaro kala duwan ay ka dhashaan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in dad badan ay ku dhinteen dagaalka Boosaaso ka socda iyadoo Boqlaal shacab ah ay ka barakaceen.
Muqdisho-Somalia
Muqdisho-Somalia