Mareeg.con: Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ay tahay mid taariikhi ah, waxaana uu intaa ku daray in dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ay farxad weyn u tahay booqashada marka labaad ee uu dalka ku yimid Madaxweynaha dalkaTurkiga.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isaga oo ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa xusay in kadib kulamad dhexmara madaxda labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixan doonaan heshiiyo horumarineed oo dhinacyo badan.
“Aad baan ugu faraxsanahay booqashada marka labaad ee uu dalku ku imaanayo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, runtii waxaan rajeyneynaa in labda dal kala saxiixdaan heshiisyo horumarineed” ayuu yiri wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya.
Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu dhamaaday wajiga hore ee heshiis horay u dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga, uuna bilbaan doono wajiga labaad.
Madaxweynaha dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan oo hogaaminaya wafdi ballaaran ayaa maanta baqradii soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.