Wasiir Beyle oo safiirka Hindiya ka gudoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Beyle oo safiirka Hindiya ka gudoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo

Mogadishu, August 24, 2014: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda India u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Yogeshwar Varma.

Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib markii uu gudoomay warqadaha aqoonsiga, isagoo ka sheekeeyay horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya si gaar ah ganacsiga, wax soo saarka beeraha, farsamada dharka, kaluumeysiga, la dagaalanka burcad badeeda iyo argagaxisada.

Wasiirku waxa uu muujiyay kaalinta dowladda India ay ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday kordhinta deeqaha waxbarasho tooska ah ee dowladda ay ugu deeqaan si sanadle ah, tababaridda diblomaasiyiinta, tababaridda iyo qalabeynta ciidamada badda iyo maalgelinta mashruuc la xiriira kaluumeysiga, si kaluunka Soomaaliya loogu iib geeyo Suuqyada caalamka.

Danjire Yogeshwar Varma ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda India Mrs. Sushma Swaraj, isagoo xusay muhiimadda balaaran ee dalkiisu ugu fadhiyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961, mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!