Wasiir Beyle oo la kulmay Wafdi ka socday Bankiga Adduunka + Sawirro — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Beyle oo la kulmay Wafdi ka socday Bankiga Adduunka + Sawirro

Wafdi ka socda Bankiga Adduunka oo booqasho ku joogo Magaalada Muqdisho ayaa maanta  waxaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle ayaa kulan la qaatay Wafdgii ka socday Bankiga Adduunka,kaasi oo looga hadlayay sidii loo caawin lahaa Dadka ay Biyo la’aantu saameysay ee Gobollada Dalka Soomaaliya.

Waxa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Barroow iyo  Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka C/llaahi Xaamud Maxamed.

Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka caawiya Mashaariic badan oo la xiriirta dhinaca Bini’aaddannimada, wuxuuna sidoo kale kaalin mug leh kaga jiraa kabka Miisaaniyadda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!