Mareeg Media
Somalia

Wasiir Beyle oo kormeer shaqo ku tagay dekada muqdisho + Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta waxa uu kormeer shaqo ku tagay dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Kormeerka uu ku tagay dekedda Muqdisho Beyle ayaa waxa ku wehlinaaye xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda,isla markaana booqday Xafiisyadda Dekedda ay ka socdaan shaqooyinka maalinlaha ah.

Sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Madaxda dekedda, isgoona kala hadlay in sidii loo dar dargelin ahaa howlaha Dekedda Muqdisho ka socda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in Dekedda Muqdisho ay tahay mid ka mid ah isha dhaqaallaha ee ugu muhiimsan dalka,waxaana halkaasi uu kula kulmay qaar ka mid ah Shacabka wax kasoo degsanaayay Dekeddda Muqdisho.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay Dakadda Muqdisho ka mid ah ilaha dhaqaalaha Dalka kuwa ugu muhiimsan, si aan u hubiyo qaabka ay shaqadu usocoto Waxaan dul istaagay goobaha ay sida gaarka ah uga socotay shaqada iyo u adeegida shacabka wax kala soo dagaya Dakadda Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!