Wasiir Beyle oo ka qeyb-galay Shir looga hadlayo Arrimaha Deyn Cafinta

Read Time:37 Second

Magaalada Addis Ababa ee Caasimaadda dalka Itoobiya waxaa Maanta ka furmey Shirka dib-u-eegista 2aad ee SMP4 oo ah hanaanka 4aad ee deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu eegi doonaa wixii qabsoomey sanadkii tegay ee 2019 & wixii caqabado ah ee jirey iyo hiigsiga sanadka 2020.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa sheegay in geba-gabada Shirkaas uu rajeynayo in ay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah, ummadduna ay ku wada qanacdo.

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay dadaal adag ugu jirtaa sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa,waxaana Arrintaasi kala Shaqeynaya Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %