
Brussels, Mareeg.com: Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineyso oo beryahan ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Biljimka ayaa khudbad ka jeedisay shirka looga hadlayo Horumarinta Caalamka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in Soomaaaliya kasii gudbeysa in ka badan 20 sano oo colaado sokeeye ah, burcad badeed iyo argagixiso, waxeyna Alshabaab ku eedeysay iney geysteen xadgudubyada ugu badan ee ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha.
Waxay sheegtay in xukuumadda ay ka tirsan tahay ay xoogga saareyso sidii loo horumarin lahaa xaaladda xuquuqda bini’aadamka ee Soomaaliya.
Wasiir Fowzia ayaa sheegtay in Soomaaliya ay maanta horumar ballaaran ku tallaabsatay caalamkana laga codsanayo inay Dowladda qorsheyaasheeda taageeraan.
Wasiir Fowzia ayaa warbixin kooban ka bixisay horumarka ballaaran ee dhinacyada badan sida amniga, dib-u-heshiisiinta, shirarka Qaranka ee dadka talada laga qeybgalinayo, iyo qorsheyaasha cad-cad ee dowladdu soo bandhigtay.
Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam ayaa ku nuuxnuuxsatay in dumarka iyo dhalinyarada ay yihiin laf dhabarka bulshada loona baahanyahay in loo abuuro shaqooyin iyo mashaariic keeni kara in dalku dib u dhismo.
Wasiir Fowzia ayaa Midowga Yuruub uga mahadcelisay doorka hoggaamineed ee arrimaha Soomaaliya, kuna dhiiri gelisay inay ballanqaadyadii iyo saxiixii Compact la soo dedejiyo si dalka loo gaarsiiyo marxalad horumarineed. Shirka ayaa maanta la soo gabogabeyn doonaa.
Waxey wasiir Fowzia intii shirku socday kulamo gaar gaar ah la yeelatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kala hadleysay soo xoojinta xiriirka iyo sidii dalalka caalamka ay uga dhabeyn lahaayeen ballan qaadyadooda oo ay dowladda Soomaaliya garab weyn ka siin lahaayeen qorsheyaasha lagu xasilinayo dalka, iyo kuuwa lagu dardargelinayo dhismayaasha hay’adaha dowliga ah iyo sidii mashaariic horumarineed loogu heli lahaa dalka.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ka kala socda caalamka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Liberia, Niger, Ra’iisul Wasaarayaasha Jamaica, Lithuania, Cape Verde. Sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Madaxa Midowga Africa Nkosazan Zuma, Madaxweynaha EU Barosso, iyo wasiiro ka kala socda caalamka, gaar ahaan Wasiirada horumarinta ee Midowga Yurub madaxda Midowga Yurub.
Mareeg.com