Wasaaradda Kheyraadka Badda: Ma jiro heshiis badeed lala galay Kenya

Mareeg.com: Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya, Maxamud Colow Barrow ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay oo ku aadanaa heshiis dhinaca soohdinta badda Soomaaliya oo la sheegay in dowladdu ay la saxiixatay dhinacyo kale.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay shakhsiyaadka  Wararkaasi faafinaya in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda in Soomaalida ay ka faa’ideestaan Kheyraadka Badda.

Wasiirka Wasaradda kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee Xukuumadda Feredaralka Soomaaliya Maxam’ud Calow Barrow oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa xusay in aytahay mid been abuur ah wararka tilmaamaya in dowladdu ay heshiis la gashay dowladda Kenya ee dhanka badda ku saabsan.

“Wasaaraddu waxa ay shacabka u caddeyneysaa inaysan waxba ka jirin, arrinta heshiiska badda, mana jirto heshiis aan la galnay dowlada Kenya ama aan la galeyno oo ku saabsan xadka badeena, wararka ay baahiyeen warbaahintuna waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, ma nihin dowlad cusub sida dalalka ka go’ay Ruushka, waxaan xoriyadda qaadanay 1960-kii Xaduudda badda Soomaaliyana xilligaasi kahor ayaana la sameeyay xaduudaha badda, halka Kenya ay xornimada qaadatay 1963-dii” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in warqadda uu Madaxweynaha Soomaaliya u diray Qaramada Midoobay loo turjuntay si khaldan, isagoo tilmaamay in dadka buun buuninaya wararka been abuurka ay yihiin shaqsiyaad ka soo horjeeda in laga faa’iideysto kheyraadka dalka.

Dhawaan ayaa warbaahintu heshay warqad madaxweynaha Soomaaliya u dirqay Qaramada Midoobay, taasoo uu ku sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay iney wadahadal la gasho cid kasta oo muran xagga badda ah kala dhaxeeyo.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245