Wasaaradda Gaashaandhigga oo ciidamo kala dhex dhigtay ciidamo beeleed ku dagaalamay Dayniile

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidamo kala dhex dhigtay Ciidamo u abaabulan qaab beeleed oo shalay illaa xalay fiidkii ku dagaalamayay xaafado ka tirsan degmada Dayniile.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamayay agagaarka Haanta Dheer iyo Xero 77 oo ka tirsan degmada Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo laga diray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ay kala dhex galeen ciidamada beeleedka dagaalamayay.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana socda dadaalo lagu qaboojinayay xiisada oo dhowr jeer soo noq-noqotay.

Dagaalka ka dhacay Haanta Dheer iyo Xero 77 ayaa ka dhashay muran dhul oo ay isku qabsadeen ciidamada hab beeleedka u abaabulan, waxaana dhulkaas uu yahay mid dowladeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysan xal u helida iska hor imaadyada soo noq-noqda ee ciidamada u abaabulan qaab beeleedka, taasoo wax u dhimi karta amniga iyo dowladnimada.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245