Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ciidamada ka badaleeyo Nuuca raashinka Maxaa lagu badalayaa? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ciidamada ka badaleeyo Nuuca raashinka Maxaa lagu badalayaa?

muqdisho (mareeg news ) Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe Ciidamada qalabka sida loogu bedelayo raashinka dalagyada dalka ka soo go’a, si looga maarmo raashinka dibadda laga keeno ee saadka ciidamada loogu isticmaalo.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal iyo Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka, Nabadsugida, Asluubta iyo xubno ka tirsan Guddiga difaaca ee Baarlamaanka.

Taliyaha Saadka ee Ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Maxamuud Garabey ayaa ka warbixiyay qorshahaan oo uu tilmaamay in ugu horeyn lagu tijaabiyay Ciidamada ku sugan Xarunta Villa Baydhabo, isagoo xusay inuu farqi weyn u dhaxeeyo dalagga ka soo baxa dalka iyo kan dibadda laga keeno, isla markaana qarash ahaan iyo tayo ahaanba uu kan dalka uu faa’ido aad u wanaagsan u leeyahay.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas C/wali Jaamac Gorod oo lahaa fikirkan isaga iyo Taliyaha Asluubta Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa sheegay in xoogga la saari doono sidii loo dhaqan gelin lahaa qorshahan raashinka looga bedelayo Ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal ayaa sheegay in fikirkan uu yahay mid aad u wanaagsan in ciidamada xoogga dalka ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a dalka, isla markaana laga maarmo raashinka dibadda laga keeno.
“Waa arrin aad u wanaagsan fikirkan,dalkasta waxaa uu leeyahay khayraad uu isticmaalo oo u gaar ah,marka anaga waxaan kaga bixi karnaa dhibaatada in aan horumarino dalagyada dalka ka baxa,taasi ayaa inoo sahlaysa in aan ka badbaadno in aan gacmaha hoorsano”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Mareykanka ayaa sanadkii horay jartay raashinkii saadka uu siinayay ciidamada, kaddib markii la ogaaday in la musuq maasuqo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!