Wasaaradda caafimaadka oo bilowday buufinta cayayaanka cudurada dhaliya “SAWIRRO” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaaradda caafimaadka oo bilowday buufinta cayayaanka cudurada dhaliya “SAWIRRO”

Madaxa ka hortagga cudurada ay faafiyaan cayayaanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah Jeylaani Busuri Mayow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabeen buufinta cayaanka ay ugu horeysa kaneenada ee ka dhalata cudurka Malaria, si looga hortago qataraha ka dhalan karta halista cudurkaasi.

Jeylaani Busuri Mayow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xeryaha dadka barakacaasha ee degmooyinka Hodan, Shangaani iyo Boondheere ay ka bilaabeen howlaha buufinta, si looga hortago halista ka dhalan karta cayayaanka cudurka Malariyada dhalisa, isagoo sharxay dhibaatada ka imaan karta haddaan la buufin..

Madaxa ka hortagga cudurada ay faafiyaan cayayaanka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah Jeylaani Busuri Mayow ayaa xusay in howshan ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.wacyi_buufinwacyi_buufin1wacyi_buufin3wacyi_buufin5wacyi_buufin2

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!