Wasaaradda Awqaafta oo amar kusoo rogtay Imaamyada Masaajida Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaaradda Awqaafta oo amar kusoo rogtay Imaamyada Masaajida Muqdisho

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  kulan looga hadlayay ka hortagga karoona fayrus kula qaatay masjidka isbaheysiga culimaa’udiinka, imaamyada iyo khadiibyada masaajidadda magaalada Muqdisho.

Sheekh Basiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Cabdi Xayi oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay doorka looga baahan yahay culimada xilliyadan oo kale, iyagoo ku baaqay in wadajir loo wajaho ka hortagga COVID-19 oo dhibaato ba’an ku haya dalkeenna.

Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan ka kooban 9-qodob, kaasi oo awaamiir dul dhigaya masaajidda iyo goobaha le’isugu yimaado si looga hortago faafidda cudurka.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa faray imaamyada masaajidda dhaqan gelinta bayaanka si looga taxadaro faafidda COVID-19.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.