Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in muddo bil ah ay ku soo koobeyso shirka Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in muddo bil ah ay ku soo koobeyso shirka Jowhar

Jowhar ( Mareeg)-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda  Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Yaxye  Cali Ibraahim oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Jowhar  ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda ay dooneyso in muddo bil ah lagu soo koobo shirka maamul u sameynta labada Gobol.

 

Sida Xoghayaha uu cadeeyay Wasaaradda ayaa arrintaan uga golleh daruufo kala duwan oo isbiirsaday islamarkaana aan suura galineyn in intaas ka badan shirka uu sii socdo.

 

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ka codsaday dhammaan ka qeyb galayaasha shirkaasi in ay sameeyaan isu tanaasul si loo dar dar geliyo dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Hadalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli is jiid jiid xoogan uu ka taagan yahay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!