Muqdisho: Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ugu saldhigtay Waax cusub oo lagu magacaabo Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed (Department of Diaspora Affairs).
Waaxdan oo xiriirn doonta jaaliyadaha dibadda ama qurba joogta iyo dadka ku nool gudaha wadanka, ayaa waxa ay yeelan doontaa qeybo kala duwan oo u howlgali doona isku xirka qurba joogta (Diaspora), hey’adaha dowladda iyo ganacsatada, si loo sameeyo iskaashi iyo wadashaqeyn, looguna fududeeyo maalgeshiga.
Qurbajoog farabadan ayaa dhawaanahan dalka dib ugu soo labanayey, iyagoo keenay howlo kala duwan oo u badan dib u dhis iyo ganacsi.
Mareeg.com