Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay dil maanta ka dhacay Muqdisho

Ciidamada amaanka ee dowladda Somalia ayaa maanta degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir Waxa ay ku toogteen nin hubaysan oo la sheegay in uu dilay qof shacab ahaa kuna delay meel aan ka fogayn suuq-Bacaad.

Dowladda Soomaaliya aya sheegtay in hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay maanta toogasho ku dileen laamaha amniga ee dowladda fedraalka xili uu damcay in uu ka baxsado goob uu dil ka gaystay.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in Ciidanka Amniga ay khaarajiyeen dhagar qabahaasi oo markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana isla goobta uu dilka ka geystay ay ku toogteen ciidanku.


About Ardaan Yare 217 Articles
Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga