Wasaaradda Amniga: Alshabaab waxey beegsan rabaan goobaha shacabka
Mareeg.com: Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in Alshabaab qorsheynayaan iney weerarro ka geystaan goobaha cibaadada iyo meelaha ay dadka rayidka ah isugu yimaadaan ee suuqyadu ka midka yihiin.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudah Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Alshabaabka Ajaanibta iyo kuwa Soomaalida ah ay damacsan yihiin geysashada weerarro lagu dhibaateynayo shacabka rayidka ah.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegey in hay’adaha Amaanku heleen xog ku saabsan in Alshabaab wadaan qorshey ay beegsanayaan goobo ay ku badan yihiin dad rayid ah.
“Dadka ku nool caasimadda waxaan ugu baaqaynaa inay feejignaan muujiyaan, sida ay hay’adaha amniga ay xog ku helayaan in maleeshiyaadka Alshabaab ay maleegayaan shirqoolo ay ku doonayaan inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed, marka waxaan muwaadiniinta ka codsaneynaa in hay’adaha amniga ay la wadaagaan qatar kasta oo ay Shabaabku maleegayaan, si looga hortago” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha.
Alshabaab ayaa dhawaanahaan weeraro ku qaadayey hoteellada iyo baarararka ay ku badanyihiin shaqaalaha dowladda, hay’adaha iyo dadka qurba-joogta ah.
Mareeg Media
Comments are closed.