Wasaaradda Amniga: Alshabaab sida ay dadka u dilaan ayaa loo dilayaa

Mareeg.com: Wasaaradda Amaanka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Alshabaab loo dili doono sida ay dadka u dilaan oo aan wax naxariis ah loo sameyn doonin wixii xilligaan ka dambeeya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa fariin hanjabaad ah u diray dhalinyarada ka midka ah Al-Shabaab, waxaana uu ugu goodiyay in dowladda aysan dhaafi doonin ninkii Al-Shabaab ah oo la qabto.

Wuxuu afhayeenka sheegay in sida ay dadka u dilayaan loo dilaayo Al-Shabaab oo nin waliba oo Al-Shabaab ka tirsan meesha uu qof ku dilo isagana lagu dilayo, maadaama dhaqankooda uu sidaasi yahay.

“Waa dhamaatay wixii hore nimankaan sida ay wax u dilayaan oo ay u dhaqmayaan ayaa loola dhaqmayaa wax badan bay dowladda fursad siisay dhallinyarada ku jira Al-Shabaab oo kasoo baxa la dhahay laakiin waa ay diideen” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya.

Shalay ayeey aheyd markii Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Nawaaxiga Shirkada Nationlink lagu toogtay labo nin oo Amniyaadka Al-Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dilay askari kamid ah ciidamada Nabadsugida qeybta Ruuxaanta, waxaana ciidamada Ruuxaanta u suuragashay inay dilaan labadii nin ee askarigaasi dilay.

Maxkamadda ciidamada ayaa muddo bil ah Muqdisho ku toogatay 6 ka itrsan Alshabaab, iyadoo shalayna labo kale ku xukuntay dil toogasho ah.

Alshabaab ayaan wax naxariis ah u sameyn dhamaan dadka kala duwan ee u shaqeeya dowladda Soomaaliya ama hay’adaha ay dalka ka mamnuuceen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245