Wasaarada Gaashaandhigga oo hirgelinaysa Ciidamada Booliska Milatariga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaarada Gaashaandhigga oo hirgelinaysa Ciidamada Booliska Milatariga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in uu meel gabagabo ah marayo qorshe ay wasaarada gaashaandhiggu ku sameyneyso Ciidamada Booliiska ee qaabka Militariga u tababaran si ay uga howlgalaan Xarumaha Ciidamada Milatariga.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu xaqiijiyay in la diyaariyay shuruucda loo marayo diyaarinta ciidankaan, sharciga lagu hagayo iyo Anshaxa ciidanka si howshaan u fududaato.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo ku xigeennadiisa ayaa ku howlan hirgelinta Ciidamada Booliis Militaare oo keliya haatan ka howlgala Madaxtooyada & Wasaaradda Gaashandhigga, Ciidankaan waxa aan ugu talagalnay in la dejiyo goobaha Militariga iyo AMISOM ay qabsadaan si ay ugu sii dhaqaaqaan goobo cusub” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah tallaabooyin loo dejiyay xaaladda kala guurka ah ee bixintaanka Askarta Midowga Midowga Afrika ee AMISOM si Ciidamada Federaalka loo tijaabiyo in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda sugidda amniga Dalka.

Muqdisho-Somalia                              

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.