Wasaarada Difaaca Somalia Oo Qaadatay Go'aan ka careysiiyay Dowlada Imaaraadka Carabta(Waa Maxeey Go'aanka) — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaarada Difaaca Somalia Oo Qaadatay Go’aan ka careysiiyay Dowlada Imaaraadka Carabta(Waa Maxeey Go’aanka)

muqdisho ( Mareeg News ) Wasiirka Difaaca Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo Soomaaliyeed, isla markaana ay Wasaaradu u tashan doonto.


Wasiir Mursal oo la hadlaayay warbaahinta Muqdisho, ayaa cod dheer ku sheegay in Xukuumada Somalia ay dib ula soo laabaneyso awooda ciidamadeeda, sidaa aawgeedna ay doonayaan in ciidamadaasi ay hoos keento maamulka Wasaarada Difaaca.

Waxa uu Wasiir Mursal sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga lagana soo wareejin doono dhawaan Imaaraadka.




Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ciidamadan u adeegsata isaga difaacida ciidamada kale ee dowlada, waxa ayna sheegtaa inay u gaaryihiin oo ay ku bixiyaan xuquuq dhameystiran.

Go’aanka Xukuumada, gaar ahaan Wasaarada Difaaca ay kula soo wareegeyso ciidamadan ayaa nabar ku noqon doonta dowlada Imaaraadka Carabta oo si khaldan u adeegsata ciidamada.




Ma jirto wax wara oo kasoo baxay Dowlada Imaaraadka Carabta oo ku aadan go’aanka ay Dowlada Somalia ka gaartay ciidamada ay tababareen isla markaana ku jira gacanta maamulka Safaarada.


Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!