
Mareeg.com: Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amar la yaab leh, kaasoo ah in maalmaha ciidam uusan Muqdisho soo geli Karin qof da’diisu ka yartahay 40 sano, haddii uusan jirin qof damiin ka ah.
Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrintaan ka dhawaajiyey, wuxuuna dhalinyarada soo gelaya Muqdisho u sheegay iney raadsadaan dad damiinta, haddii kale dhamaan kontoroolada magaalada laga celin doono.
“Maalmaha xasaasiga ah ee ciidda lagu jiro looma ogolaanayo qof 40 sano ka yar inuu soo galo magaalada Muqdisho, haddii aan la damiinan” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.
“Dhamaan Kontoroolada laga soo galo Muqdisho waxaa lagu hubinayaa dadka magaalada soo gelaya, ciddii 40 sano ka yar ee aan damiin laheyn iskama soo gelaya magaalada” ayuu sidoo kale yiri afhayeenka wasaaradda Amaanka Qaranka Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay ee dowladda Soomaaliya soo saarto amar nuucaas ah, kaasoo magaalada looga horjoogsanayo dhalinyarada, iyadoo loo arko arrin culus dhaqangelinta go’aankaas.
Mareeg Media
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %