Wasaarada Amniga Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Pizza House + Dhageyso

Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Dagaalyahano  ka tirsanaa Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Pizza House oo ku yaal Degmada Hodan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Sayid Carab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay tirada dhimashada dadka inay gaarayaan 18 ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah uu yahay ruux Ajnabi ah.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in dadka shacbka laga doonaayo inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, oo ay kusoo wargeliyaan goobaha ay ku dhuumaaleysanaayaan kahor intaynan geesan fal amniga lidi ku ah.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray 7 Gabdhood oo dhalinyaro ahaa kuwaasi oo ku sugnaa Hotelka weerarka ay ku qaadeen Al Shabaab ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ururka Al Shabaab guul ka sheegtay Weerarkaasi iyagoo sheegay in muddo saacado ah ay gacanta ku haayeen maqaayadahaasi Muqdisho ku yaallo.

 

Hoos ka dhageyso Codka.

https://mareeg.com/wp-content/uploads/2017/06/Axmed-Carab-Afhayeenka-Amniga-sax.mp3