Wasaarada Amniga Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay D/wadajir + Dhageyso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasaarada Amniga Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay D/wadajir + Dhageyso

Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee duhurnimadi maanta ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Sayid Carab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qarxa lala beegsaday dad shacab ahaa oo iska ganacsanayay oo masaakiin ahaa, islamarkaana Ururka Al Shabaab ay u soo jeysteen sidii loo leyn lahaa shacab Soomaaliyeed.

“Qarax ayay Al shabaab la beegsadeen xarunta Degmada Wadajir waa goob loogu adeego shacabka Soomaaliyeed waxay geysteen Khasaaro badan maanta Shabaab waxa ay beegsanayaan ma ahan Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha, iyo wasiir, waxa ay beegsanayaan waa shacabka Soomaaliyeed,waxaan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed  in ay meel ugu soo wada jeestaan Al Shabaab oo u soo jeystay leynta Shacabka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Axmed Carab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga  Axmed Maxamed Maxamuud Sayid Carab in markii Al Shabaab laga soo xirey wadooyinka muhiimka ah ay usoo jeesteen sidii ay Qaraxyo ay kaga geysan lahaayeen goobaha shacabka ay isugu yimaadeen.

Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhimatey oo la kala garan la’ yahay  Meydad kooda 22 kalena way ku dhaawacmeen oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada kadib markii Qarax gaari Caasi ah  laga soo buuxiyay  lagu Qarxiyay xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Al Shabaab ayaa guul ka sheegtay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee duhurnimadi maanta ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

 

Hoos ka dhageyso Codka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!