Warqad Sir ah uu Cabdiweli Gaas u qoray Boqorka Sacuudiga Xiligii uu R/W ahaa oo la helay!(Aqriso Warqadaasi) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Warqad Sir ah uu Cabdiweli Gaas u qoray Boqorka Sacuudiga Xiligii uu R/W ahaa oo la helay!(Aqriso Warqadaasi)

Websedka Wikileaks, ee inta badan soo qufaha siraha iyo Dukumiintiyada qarsoon ayaa soo bandhigay Warqad qarsoodi ah uu Boqorkii Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis u diray Ra’izul Wasaarhii hore ee Soomaaliya hadana ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntiland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa 28 bishii july sanadii 2012, ayaa u qoray warqad sir ah, oo aysan la ogeyn Madaxweynihii wadanka Sheekh Shariif iyo dawladdisiiba , waxa uuna Warqadaasi u diray boqorkii sacuudiga , isagoo kaga cudsanayay in deeq waxbarasho la siiyo arday ay qaraabo yihiin, kana soo jeeda dhamaantood degaanada Puntland.

Warqadaas sirta ah oo ay ka mid ahayd 60 ,000 ( lixdan kun) warqadood oo uu shaaciyeen websetka Wikileaks, ayaa warqadaan waxay ka dhigeysaa mid Somalida u gooni ah. Waxaan ognahay in uu Mr Abdi Wali horay ugu sheegay meelo fagaaro ah reer Puntland , in muddadii uu ahaa Raiisal wassaraha Somaliya , in uu u xaglin jiray, siina jiray reer puntland, waxa Somali ka dhaxeeyo.gaas_warqada

Madaxweynaha Puntiland Cabdiweli Gaas ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay Aqoonyahan ay maskaxda ka dagtay Qabyaalada, mar walbana Jecel in Qaranimada Umada Soomaaliyeed uu ka hor mariyo Qabyaalad iyo qolo qoleysi, sida mar walbo laga dheehdo hadalada uu jeediyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!