Warmurtiyeed Kasoo Baxay Shir 20 Maalmood Beesha Mudulood Uga Socda Muqdisho

Read Time:1 Minute, 51 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Beesha Mudulood ayaa shirk u dhawaad 20 maalmood uga socday Muqdisho kazoo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah, kaasoo lagu sheegay in lagu xalliyey kala maqnaasho u dhaxeysay qaar ka mid jilibyada beesha.

Shirka maalmaha socday ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Imaamka, Ugaaska, Duubab dhaqameedyada, Nabadoono, siyaasiyiin iyo Haween, waxaana goobta lagu muujiyey midnimada iyo isku duubnida Beesha Muqdulood.

Dadka ka hadlay gebagebada kulanka ayaa sheegay in la xalliyey khilaafyo xaga dhaqanka oo u dhaxeeyay beesha, sidoo kalana beelaha deriska ah loogu baaqay deris wanaag.

Waxaaxubnihii xiritaanka shirka ka hadlay ka mid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf Cali iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle oo labaduba ku fadhiya boosaska dhaqan ee loogu xushmeyn badan yahay gudaha beesha Muqdulood.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in isu imaatinkan muujinayo midnimada beesha Mmudullood, islamarkaana laga heshiiyey wixii jiray ee khilaafaad yar yar ahaa.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa sheegay in kulanka dib u heshiisiinta Beesha Mudullood uu soo socday tan iyo 20-kii November ilaa 8-da Bisha ay ka qeybgaleen ilaa 170 xubnood, wuxuuna tilmaamay in lagu xaliyay khilaafaadka xaga dhaqanka ahaa oo ay beeshu kala tabaneysay.

War murtiyeedka kazoo baxcay beesha ayaa ka koobnaa qodobadan:

1- Mudada uu Shirka socday waxaa lagu heshiisiyay Beelaha Mudullood ee colaada ka dhaxeyso.

2- Beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beelaha kale oo ay dariska yihiin nabad iyo isfaham ku saleysan walaanimo, derisnimo iyo cadaalad.

3- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in khilaafkasta ey ku dhameeyso wada hadal iyo nabad.

4- Beesha Mudulood waxay diyaar u tahay in ey gogol nabadeed u fidiso beel kasta ee wax ka tabaneysa.

5- Waxay beeshu sidaas si la mid ah diyaar u tahay gogol haddii loo dhigo in ey ka qeyb qaadato.

6- Waxay beeshu u soo xulaneysaa guddi u xilsaaran khilaaf bixinta beesha dhexdeeda iyo nabad iyo dib-u-heshiinsiin in ey la gaarto beelaha kale oo ay colaadi horay u dhex martay.

7- Beesha Mudulood waxay beelaha kale ee Soomaliyeed oo dhan ugu baaqeysaa in ey mowqifkaan mid la mid ah go’aansadaan.

8- Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in la adkeeyo nabada isla markaana la isku soo dhoweeyo shacabka Soomaaliyeed ee colaaduhu kala qaybiyeen.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %